Somali News

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku xukuntay nin dhowaan qof kale ku dilay Guriceel

Maxkamada Ciidama Qalabka sida ayaa Dil Toogasho ah ku xukuntay C/salaam Axmed Cali, kadib markii ay ku cadaatay inuu si ula kac ah u dilay Marxuum C.laahi Cai Hudeey.

Dilkaan ayaa magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ka dhacay Taariikhdu markey ahayd 10 Bishaan Nove 2023.

Ciidamada Amniga ayaa soo qabtay Ninkaan oo ka baxsaday magaalada. Waxaana la filayaa in xukunka dilka ah lagu fuliyo.