Somali News

Maxkamadda ciidamada oo xukun ku riday Sufyaan Taakeeye iyo xubno kale

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun ku riday Sufyaan Sheekh Axmed Sheekh Maxamed (Taakeeye) iyo laba xubnood oo kale.

Xeer ilaalinta maxkamada ciidamada ayaa Sufyaan ku soo eedeysay faafinta falal argagixisimo oo lid ku ah diinta islaamka, kana soo horjeeda dowladnimada.

Sidoo kale, waxaa ay maxkamadda xukuntay Yaasiin Axmed Maxamed Cabdulle oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa isna kaga biiray kooxda Taakeeye qaab Online-ah, isaggoo Whatsapp-ka ku faafiyey Fariimo lid ku ah Dowladnimmada iyo inuu garab istaag u muujiyay Taakeeye markii gacanta sharciga uu soo galay, isna waxaa la qabtay Siddeed iyo Labaatankii bishii September 2023.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta go’aan ka soo saaray Seddexda eedeysane, Sufyaan Sheekh Axmed Sheekh Maxamed (Taakeeye), ayaa lagu xukumay 2 Sano oo il ku hayn ah, halka Ex Dable Xoogga Yaasiin Axmed Maxamed Cabdulle isna laga saaray ka mid ahaanshiyaha Ciidanka Xoogga.

Sidoo kale Maxkamadda waxa ay sii daysay Maxamed Cabdulqadir Cali Nuur (Sandheere), Sida uu sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.