Somali News

Maxkamadda Ciidanka oo xukun ku riday xubno ka tirsana Al-shabaab

Maxkamada ciidamadada ayaa xukunno kala duwaan ku riday labo ruux ka tirsana Al-shabaab oo ka geystay magaalada Muqdisho falal dilal.

Labada ruux ayaa kala ahaa Axmed Xasan Baariyow iyo Aadan Maxamed Qoslaaye oo Al-shabaab ku kala biiray 2012 iyo 2020-kii, waxa ay ahaayeen Jawaasiis soo hubiyo howlaha la fulinayo ee Dilalka iyo Arbushaadda Muqdisho ilaa Ceelasha.

Axmed Xasan Baariyow iyo Aadan Maxamed Qoslaaye ayaa waxa ay ahaayeen saaxiibbo iska raacay isticmaalka maandooriyah loo yaqaan Xashiishka,Baariyow oo muddo gaaraysa 10 sano la shaqaynayay Al-shabaab.

Maxkamadda Ciidamadada oo kiiskooda u fariistay ayaa waxay ku kala xukuntay  xukunno kal duwaan,Axmed ayaa maxkamada ku riday xukun gaaray ilaa 15 sano xabsi ciidan ah halka Aadan ay ku xukuntay maxkamada  5 sano oo Xabsi Ciidan ah.