Somali News

Maxkamadda gobolka Bari oo maanta u fariistay dhagaysiga dacwada nabadoonno iyo siyaasi u xiran maamulka Puntland

Muqdisho-KNN-Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Bari, ayaa maanta u fariisatay dhagaysiga dacwad loo haysto nin siyaasi ah iyo afar nabadoon oo maamulka Puntland ku xiray magaalada Boosaaso

Shantan ruux ayaa xabsiga la dhigay kadib markii ay dhaliileen Heshiisyo Maalgeshi oo la sheegayn in maamulka Puntland kula jiro shirkado laga leeyahay Imaaraadka Carabta.

Waxaana magacyadoodu ay kala yihiin shantan ruux Nabaddoon Diraac Yuusuf Buuxe, Nabaddoon Cawad Maxamed Faarax, Nabaddoon Maxamuud Axmed Rooble,Nabaddoon Cabdicasiis Axmed Maxamed (Baydhabo) iyo Siyaasi Muuse Cali Jaamac oo muddo bil ku siman lagu hayay xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso.

Maxkamadda ayaa kadib markii ay dhegaysatay dacwadda Xeer ilaalinta waxa ay masuuliyiintaasi ku eedaysay kicin-dadweyne waxay go’aamisay in mar kale kiiska loo fariisto maalinta Axadda ee soo socota.

Shantan ruux oo horay ula hadlay warbaahinta ayaa waxa ay xukuumada M.Siciid Cabdullahi Deni ugu eedeeyeen in ay ku fashilantay xaaladaha dhanka amni ee gobolka Bari