Somali News

MD Xasan Shiikh Maxamuud oo soo Bandhigay qorshe lagu xalin karo dagaalka Tukeraq ee gobalka SOOL.

Muqdisho-KNN-Xasan Shiikh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda deegaanka Tukeraq ee gobalka Sool oo tan iyo Bilaawgii sanadkaan dagaal ka socday wali ay taagan tahay xiisad u dhaxeysa Soomaaliland iyo Puntland.

Qoraal uu soo dhigay Page-kiisa Facebook ayuu Madaxweynaha ku soo Bandhigay Qodobo xal u noqon kara dagaalada ku soo laab laabtay gobalka SOOL ee u dhaxeeya Labada dhinaca, kaas oo ka sii daraya maalinba maalinta ka dambeysa.

Hoos ka aqriso qoraalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Iyadoo Soomaalidu ay duruufo gaar la tacaaleyso billowga qarniga 21aad, ayaa haddane degaannadu xaalkoodu kala duwan yahay.

Duruufaha dadka Soomaalida ay la tacaalayaan waxaa ka mid ah Abaaro, fatahaad iyo colaado, hase yeeshe gundhigga dhibaatooyinka oo dhan waxay ka soo butaacayaan hal il oo ah dowlad xooggan oo ralli laga wada yahay lana wada aqbalsan yahay oo meesha ka maqan.

Si kastaba ha ahaate, dhibaatooyinkaas aan kore ku so xusay iyo kuwa kaleba waxay CAQABAD ku yihiin badbaadada shacabka ay daashadeen colaaduhu kuwa hore iyo kuwa dambaba haddaba hoggaamiyayaasha maanta ee heer kasta leh ha qaateen hana tixgeliyeen mabda’a ah “HA UGA DARIN HADDII AADAN DAWYN KARIN”

Qormadaan kooban waxaan rabaa inaan uga hadlo arrinta XANUUNKA badan ee ka socota tuulada yar ee TUKARRAQ.

In ka badan 30 sano waayo aragnimo ah ayaan u leenahay in khilaafyada lagu xalliyo CUDUB CIIDAN lagumana soo guuleysan mar qura. Haddaba, walaalaha isfaham waagu u dhaxeeyo waxaan ugu baaqayaa qodobada soo socda:

1.Xabbad joojin degdeg ah iney ku dhawaaqaan oo ay NABADDA ku dhiirradaan.

2.In ciidamada ay kala qaadaan si fursad lagu wada hadlo u abuuranto.

3.Ka dibne la billaabo wada hadal dhexdooda ah oo ay hoggaaminayaan dhexdhexaadiyaal iyo fududeeyaal Soomaali ah oo ka dhaca TUKARRAQ lafteeda

4.Waxaan si gaar ah farta ugu fiiqayaa isimada, culumaa’uddiinka iyo ganacsatada iney si gaar ah ugu istaagaan arrinka isna doontaan iyagu oo waxaan leeyahay magaciin ha jiro e berri NABADDA YAAN DIBADDA LAGA JIRIN

5.Inta dadaalladu socdaan, dhinacyadu waa iney joojiyaan hadallada XANAFTA leh ee danqinayo boogihii hore laguna baddalo hadallo ka tarjumayo Soomaalinimada.

Waxaan ku soo gabagabeynayaa qormadaan kooban:

“WALAALAYAAL WAXA AAN ISKU NAHAY AYAA AAD UGA BADAN WAXA AAN KALA NAHAY EE CAQLIGU HA TALIYO”.