Somali News

Midowga musharixiinta oo saacadihii u dambeeyay kulamo gaar gaar ah kaga hadlay xaaladda dalka

Muqdisho-KNN-Musharixiinta  xilka madaxweyanenimo ee Muqdisho shirka uga socdo ayaa wali wada kulamo ay uga hadlayaan doorashooyinka iyo cabasho ay ka qabaan guddiyada doorashada loo xilsaaray ee ay Magacwaday dowladda federaalka.

Xubnaha musharixiinta ayaa si gaar ah uga hadlay maqaamka mudisho,arrimaha dastuurka, amniga iyaga oo sheegay ‘in ay dowladda ku fashilantay  arimahan iyo in dalka ay dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Xilli hore ee maanta musharixiinta ayaa kulan gaar ah la qaatay warbaahinta madaxa banaan iyo wariyasha iyaga oo kala hadlay xaalada dalka uu dalku marayo iyo doorka Warbaahinta kaga aadan.

Shirkaan ayaa lagu wadaa in la soo gebogabeeyo gelinka hore ee maalinta berrito iyadoona la filayo in laga soo saaro warmurtiyeed.

Shirka dhinacyadan ayaa inta uu socday waxaa ka qeyb galay dhinacyada kala duwan ee bulshada sida odayaasha dhaqanka, culimada, urrurada bulshada rayidka, siyaasiyiinta iyo xubnaha beesha caalamka.

Musharixiinta mucaaradka ee u tagaan qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa si weyn u diidan guddiyada doorashada iyo kan xalinta khilaafaadka heer federaal iyo heer maamul goboleed oo ay ku tilmaamen in ay ku jiraan shaqaale katirsan dowladda iyo askar katirsan Nabadsugida.