Somali News

Militeriga Israa’iil oo weerar toos ah ku qaaday Isbitaalka ugu wayn Qaza

Milatariga Israel ayaa sheegay in ay billaabeen hawlgal toos ah oo ay gudaha ugu galeen qayb ka mid ah cisbitaalka Al-Shifa oo ay sheegeen in uu saldhig u yahay ururka Xamaas.

War qoraal ah oo ay soo dhigeen baraha bulshada ayay ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) ku sheegeen in ciidamadoodu “ay ku jiraan kooxo caafimaad iyo kuwo Carabi ku hadla, kuwaas oo qaatay tababar cayiman oo ay ugu diyaar garoobayaan jawigan adag oo xasaasiga ah.”

Waxay sheegeen in ujeedadu ay tahay “in aan wax dhibaato ah loo geysan shacabka ay Xamaas u adeegsadaan gaashaanka bini’aadamka”.