Somali News

Militeriga Israel oo go’doomiyay Isbitaalka ugu wayn Qaza

In ka badan 7,000 oo isugu jira barokacayaal, bukaanno, iyo shaqaalaha caafimaadka ee Cisbitaalka Al Shifa, ayaa wajaha xaalad adag, iyada oo laga cabsi qabo in ay u geeriyoodaan.

Maamulka Isbitaalka Shifa ayaa sheegay in Isbitaalka ay ku jiraan 650 bukaan iyo ku dhawaad ​​7,000 oo barakacayaal ah.

“Waxaa laga yaabaa in saacadaha asoo socda ay isbitaalka carruur badan u geeriyoodaan nafaqo-xumo koronto la’aan awgeed” ayuu yirir mid kamid ah dhaqaatiirta.

 Israel ayaa sheegtay in Isbitaalkan uu xarruun u ahaa Ururka Xamaas oo bishii hore 7 dii weerar ku qaaday gudaha Israel.