Somali News

Mucaaradka oo markale ka digay dib u dhac ku yimaado doorashooyinka

Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka laakiin hadda ah musharax u taaggan xilka madaxweynaha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo musharax Daahir Maxamuud Geelle ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxaana horay u sii joogay magaalada musharixiin kale uu ka mid yahay Cabdikariin Xusseen Guulleed.

Daahir Maxamuud Geelle oo taageerayaashiisa la hadlayay ayaa sheegay in marka musharixiinta oo dhan ku soo dhameystirmaan magaalada  Muqdisho soo saari doonaan bayaan la xiriira qaabka ay ka rabaan in ay u dhacdo doorashada dalka, isaga oo dhinaca kale sheegay in aysan raali ka aheyn isku goodin iyo caburin siyaasadeed oo uu ku eedeeyay dowladda hadda jirta ee uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xassan Cali Kheyre oo meel fagaaro ah kula hadlayay taageerayaashiisa ayaa yiri ‘’Haddii aan lagu heshiin nidaamka doorasho oo aan lagu wada qanacsanaan lagu heshiin-maayo dowladnimada.

Isku imaantinka musharixiintan oo horey bayaan ka dhan ah doorashada u soo saaray ayaa u muuqda mid cadaadis lagu saarayo Dowladda Dhexe Federaalka oo eedeynta ugu culus ee loo jeedinayo tahay in ay waddo qorshe ay ku musuqmaasuqeyso doorashada.