Somali News

Mucaaradka oo warqad cabasho ah u diray Golaha amaanka ee Q.M

War qoraal ah oo ka soo baxay Midowga Musharaxiinta mucaaradka ah ayaa waxaa loogu baaqay Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, kaasi oo ku aadan in ay soo faro geliyaan xaaladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxey ka hadleen dhibaatooyinkii ka dhacay Muqdisho, iyagoona eedeyn u jeediyay madaxweyne Farmaajo.

Xubnaha mucaaradka ah ayaa golaha Amniga ka dalbaday inuu qaado tallaabo deg deg ah oo lagu baarayo xasuuqyada uu geystey Madaxweynaha sharciyaddu ka dhamaatay si cadaaladda loo horkeeno kuwa ka masuulka ah dhibaatadii dhacday.

Sidoo kale musharaxiinta ayaa waxaa ay codsadeen in ficil si deg deg ah loo sameeyo si looga hortago dadaalada sharci darada ah ee taliska waqtigiisu dhamaaday ee ah inuu xukunka ku dheganaado, iyo in la hubiyo doorashooyin xor iyo xalaal ah todobaadyada soo socda.

Qoraalka mucaaradka ayaa sidoo kale lagu eedeeyay madaxweyne Farmaajo, waxaana lagu dhaliilay inuu diidan yahay ka shaqeynta fududeynta doorashooyin xor iyo xalaal, waxayna intaa ku dareen in hadii Golaha Amnigu uusan fara gelin uu Farmaajo sii wadi doono carqaladeynta dadaallada lagu doonayo geeddi-socod doorasho oo dimuqraadi ah.

Qoraalka ayaa u qornaa sidan:-