Somali News

Mustafa Cagjar oo galabta isagoo careysan ku laabtay Jigjiga.

Muqdisho-KNN-Waxaa caasimadda Itoobiya ee Addis ababa isagoo careysan ka soo laabtay sida lagu soo waramayo madaxweynaha maamulka Soomaalida ee Itoobitya hoostaga Mustafa cagjar.


Waxaa uu Mustafa cajar shir saacado qaatay oo aan la isku fahmin la soo yeeshay Ra’iilsal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Gudoomiyaha Xisbiga talada haya ee dowlada deegaanka Axmed Shidde oo sidoo kale ah wasiirka maaliyadda ee Itoobiya.


Sida ilo wareedyo u sheegeen KNN waxaa Madaxweyne Mustafa u yeeray madaxda uu Addis ababa kula shiray, kuwaasi oo kala hadlay xaaladda siyaasadeed ee deegaanka oo maalmahan khilaaf uu ka taagnaa.


Waxaa sidoo kale laga hadlay oo la isku fahmi waayay sida la sheegay wax ka bedel uu ku sameeyo hanaanka maamul ee xiligan iyadoona khilaafka iyo waxyaabaha la isku hayo ay qeyb ka tahay sii deynta dad la sheegay in ay la shaqeyn jireen maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar oo uu Madaxweyne Mustafa xiray.


Madaxweynaha ayaa khilaafka shirka oo la isku fahmi waayay kadib dib ugu soo laabtay gelinkii danbe ee maanta Magaalada Jigjiga,isagoo wajigiisa caro ama xanaaq laga dareemayay.