Somali News

MW Xasan Sheekh “Colaada Laascaanood siima socon karto lamana aqbali karo”

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu ku baaqay in deg-deg loo joojiyo dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

isaga oo tacsi u diray ehelada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhibaatadu ku gaartay dagaalka kasocda Magaaladaasi maalinkii labaad.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale nasiib daro weyn kutilmaamey dhibaatada mudada dheer kataagan Laascaanood ee salka ku heysa siyaasada sababtayna in dhiig badan uu ku daato.

Waxa uuna kubaaqay in qoriga la dhigo xalna wax lagu raadiyo, dowlada ayuuna sheegay iney diyaar utahay ka shaqaynta xalka keenida xaalada Laascaanood.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa  soo hadal qaaday xiisadana iyana kataagan magalada garoowe waxa uuna odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ugu baaqay in xal laga gaaro xiisadaasi.