Somali News

Nin shabaab ka tirsanaa oo isi soo dhiibay

Muqdisho-KNN-Sarkaal sare oo ka tirsanaa Shabaab ayaa waxa uu isu soo dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya, sida ay sheegtay dowladdu.

Sarkaalka isi soo dhiibay ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Cabdirahmaan Xuseen Wardheere , shabaabka dhexdoodana looga yaqaanay Bilaal.

Warbaahinta ayuu la hadlay ninka isi soo dhiibay, waxa uuna sheegay muddo 12sano ah inuu la shaqeeynayay Shabaab.

Hoos ka dhageeyso codka ninka isi soo dhiibay.