Somali News

NISA oo sheegtay in ay qabatay 25 ruux oo doonayay in ay ku biiraan Al-shabaab

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka ayaa sheegtay in ay qabteen 25 ruux oo doonayay in ay ku biiraan dagaalameyaasha Al-shabaab, xilli ay ku sugnaayeen meel u dhow degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Bayaan ka soo baxay hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in dadkaan la qabtay ay ku jiraan carruur yar, waxaana sidoo kale la qabtay darawalkii waday gaariga.

Hay’adda NISA ma sheegin goobta rasmiga ah ay ee ay 25 ruux ku wajahnaayeen.

Dalka waxaa ka socda dagaal ka dhan ah Al-shabaab, iyada oo dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ay isku dhiibeen ciidamada dowladda.