Somali News

NISA oo war ka soo saartay safar uu Muqdisho ku yimid Taliyaha sirdoonka Talyaaniga

Muqdisho-KNN-Taliska hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa war ka soo saaray safar uu Muqdisho ku yimid Taliyaha sirdoonka dowladda Talyaaniga.

Qoraal lagu baahiyey barta Twitter-ka ee hey’adda NISA ayaa lagu sheegay Taliyaha Siradoonka Talyaaniga oo magacooda loo soo gaabiyo (AISE) Jeneraal Giovanni Caravelli uu booqasho rasmi ah ku yimid caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Sarkaalkaas ayaa la kulmay Agaasimaha hey’adda Nabad Sugidda Soomaaliya ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, sida lagu sheegay qoraalka.

Agaasime Fahad iyo Jeneraal Giovanni ayaa ka wadahadlay sare u qaadidda iyo xoojinta iskaashiga amni ee labada dhinac, sida lagu shaaciyey qoraalkan ay soo saartay NISA.