Somali News

Odayaasha Magaalada Laascaanood oo ka hadlay dhexdhaaxinta Jabuuti ee xiisadda taagan

Odayaasha magaalada laascaanood ayaa ku gacan sayray qorshe la sheegay in madaxweynaha Jabuuti uu ku dhexdhexaadinayo dhinacyada uu u dhaxeeyo khilaafka muddada bisha ka badan ka taagan magaalada laascaanood.

Qorshahaas ayaa lagu xusay qoraalki ka soo baxay gabagabada shirkii dalalka safka hore ku dhex maray magaalada Muqdisho.

Cabdirisaaq Maxamed Xasan oo ah afhayeenka odayaashaas ayaa BBC u sheegay in sidoo kale aysan arrintaas waxba kala socon.

Sidoo kale, waxaa uu xusay in aysan hadda u fadhiyin in ay cid kale la hadlaan, balse ay ku mashquulsan yihiin shirka Odoyaasha dhaqanka.