Somali News

ONLF oo ku eedeysay Itoobiya qalalaasaha ka taagan DDS

Jigjiga-KNN-Jabhadda ONLF ayaa ku eedeysay qalalaasaha ka taagan Dowlad deegaanka Soomaalida Dowladda Federaalka Itoobiya.

Afhayeenka Jabhadda ONLF Cadaani Hirmooge oo la hadlay Laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in ay ka xunyihiin waxa ka socda Kililka Shanaad, waxa uuna dusha usaaray masuuliyadda ka dhalata qalalaasaha ka taagan Gobolkaa Dowladda dhexe ee Itoobiya.

Iyada oo maalintii labaad la dareemayo xaalad deganaan ah inta badan deeganadii ay wax ka dhaceen ayaa wali waxaa meelaha qaar ka jira isku dhacyo dad ay ku dhinteen.

Rabshadihii dhawaan ka dhacay Dowlad deegaanka ayaa waxaa la aaminsanyahay in ay ku geeriyoodeen dad kor udhaafaya 30 qof halka tiro intaa ka bandanna ay ku dhaawacmeen.