Somali News

Puntland oo amar soo saartay iyo wasiir Jamaal oo laga reebay ilaaladiisa

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan iyo wefdi uu hoggaaminayay oo muddo saacado ku xayirnaa bannaanka dulleedka Magaalada Garoowe ayaa loo oggolaaday in u gudaha Galo Magaalada.

Ciidamadii ilaalada ee la socday wasiirka ayaa looga reebay Kontoroolka Magaalada, isaga oo la sheegay in uu gudaha u galay magaalada.

Wasaaradda amniga Puntland ayaa musharixiinta u tartameysa Golaha Shacabka ka mamnuucday in ay gudaha deegaanadaasi ku wataan hubka iyo ilaalada.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa u qornaa sidaan: