Somali News

Puntland oo dib xorriyadooda u siisay rag ku eedeysnaa Shabaabnimo

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta xabsiga kasii daysay tiro maxbuus ahaa, kuwaas oo ku eedeysnaa in muddo ah falal la xiriira argagixisnimo, islamarkaana lagu waayay eedeymihii lagu soo oogay markii hore.

Maxaabiista dib u helay xorroyadooda, waxaa ka mid ah wiil uu dhalay Cabdiraxmaan Shirwac Laahoor oo horay Puntland dil toogasho ah ugu xukuntay isaga oo maqane ah kuna eedaysan argagixiso.

Tiro ahaan waa 14 Nin, balse xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo dembiyada culus ee shanta gobol G/le Maxamed Xuseen Axmed ayaa eedda kala noqday dhammaan raggaas kadib markii caddayn ku filan loo waayay.