Somali News

Puntland oo ganacsatada ugu baaqday Isticmaalka Shilin Soomaaliga

Waxaa Maanta magaalada Garoowe lagu qabtay kulan looga hadlayay sidii loo dardar gelin lahaa qaadashada ama isticmaalka lacagta shillinka Soomaaliga oo laga diiday deegaano ka tirsan Maamulka Puntland


Kulan u dhexeeyay masuuliyiin ka tirsan Puntland Iyo Ganacsatada ayaa uga Socda Magaalada Bosaaso, kaasi oo looga hadlayo sidii loo dar-dar galin lahaa qaadashada Lacagta Shilinka Soomaaliga.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud Iyo Maamulka Gobalka Kan Degmada ayaa Ku sugnaa Kulankaan oo Ganacsatada Iyo Sariflayaasha loogu baaqayay In ay xoojiyaan sidii lacagta Shilinka Soomaliga looga socod siin lahaa Magaalada Boosaaso.

Arrintan waxay mar kale saamayn ba’an ku yeelatay dadka danyarta ah, oo aan wax ku iibsan karin Lacagta Dollar-ka, gaar muruq-maalka ku shaqeeya Shilin Soomaaliga.