Somali News

Puntland oo Iclaamisay Shir lagu heshiisiinayo DFS iyo Maamul Goboleedyada

Garowe-KNN-Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdullaahi Deni oo maaanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ee Puntland ayaa sheegay in maamulkiisa ay marti gelin doonaan shir dhacaya bisha 3aad ee sanadkaan. Shirkaan ayuu sheegay in lagu dhax dhaxaadin doono DFS iyo maamul goboleedyada oo muddo ka hor joojiyay wadashaqeyntii u dhaxeysay.

Deni ayaa sheegay in DFS iyo maamul goboleedyada ay ka dalbadeen marti gelinta shirkaan si loo soo afjaro khilaafka taagan.

Arintaan ka dhalatay kulamo laba maalmood uga socday Garowe Madaxweynaha Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada, kuwaas oo dhamaantood ka qeyb galay Munaasabadda caleema-saarka ee Saciid Cabdullaahi Den.