Somali News

Puntland oo joojisay Canshuurtii laga qaadi jiray guryaha ku yaalla Boosaaso

Duqa degmada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan, ayaa shaaciyay in si rasmiya loo joojiyay Canshuurtii laga qaadi jiray guryaha ku yaalla Boosaaso markii  dib u-dayac-tirka lagu samaynayo.

Mudane Cabdisalaan Bashiir, wuxuu sheegay in Canshuurtaas oo ahayd mid ku kooban Dowladda hoose, ay go’aan kama dambays ah ka soo saareen Golaha Degaanka Boosaaso, islamarkaana si buuxda u joojiyeen.

Duqa Boosaaso, wuxu tilmaamay in Canshuurtaas la laalay, kadib markii ay cabashooyin kala duwan ka muujiyeen Shacabka ku dhaqan magaalada, kuwaas oo sheegay in aysan awoodin bixinta Canshuur dayac-tir.

Sidoo kale, wuxu xaqiijiyay in aysan jirin wasaarad ama cid kale oo shaqo ku leh Canshuurta la laalay, balse ay ku koobnayd Dowladda hoose oo keliya.