Somali News

Puntland oo maanta u dabaal dagaysa 1 agoosta.

Garoowe-KNN-Maamulka Puntland ayaa maanta waxaa uu u dabaal degayaa Sannad-guuradii 21-aad ee ka soo wareegtay markii la aas’aasay Puntland oo ku beegan 1-Agoosto 1998-dii, iyadoona munaasabado loogu dabaal degayo lagu qabanayo guud ahaan magaalooyinka Puntland.

Xuska ugu weyn ee munaasabadda sannad-guurada 1-da Agoosto, ayaa  ka dhacaya magaalada Garoowe ee maamulka Puntland, waxaana goob kasta ku sharraxan calanka iyo astaanta Puntland, halka dadka qaarkoodna ay ku lebbisan yihiin dhar ka samaysan calanka.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in maanta la xiray goobaha ganacsiga ee Magaalada Garoowe.

Sidoo kale waxaa maanta  si weyn loo adkeeyay amniga magaalada, oo ay sugayaan qeybaha kala duwan ee ciidamada Amniga, iyadoo dhammaan la joojiyay dhaqdhaqaaqa gaadiidka dadweynaha, islamarkaana la xiray waddooyinka muhiimka ah ee bartamaha Magaalada Garoowe.

Wafuud ka socda dowladda dhexe, beesha caalamka iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabada 1-da Agoosto ayaa xiligan ku sugan Magaalada Garoowe.