Somali News

Puntland oo markale ka hadashay xeerka gudniinka gabdhaha ee muranka ka dhashay

Wasiirka Caddaaladda Puntland Cawil Sheekh Xaamid ayaa sheegay in aysan jrin Aayad iyo Xadiis saxiixa oo ku soo arooray gudniinka gabdhaha.

“Gabdhaha gudniinkooda sharciga Islaamka markii la eego, waxaa wax laga qaataa kitaabka, sunnada Nabiga SCW iyo umadda qiyaasteeda, hal Aayad oo sheegaysa in ay ku soo aroortay gudniinka gabdhaha ma jirto, hal Xadiis oo saxiixa oo sheegaya in gabdhaha la gudi karana ma jiro” ayuu yiri Cawil Sheekh Xaamid.

Wasiirka Caddaaladda Puntland ayaa axaadiista ay culimada qaar u daliishato gudniinka gabdhaha ku tilmaamay kuwo daciifa oo aan axkaamta loo xujeysan karin.

Wasiir Xaamid wuxuu xusay in cidii dood sharciyeed ka qabta xeerka gudniinka gabdhaha ay wasaaraddiisu diyaar u tahay in ay kala hadasho arrintaas.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xeerka mamnuucaya gudniinka gabdhaha yahay mabda’ ay qabto Xukuumadda Puntland, aysana jirin cid gaara oo gadaal ka riixaysa.