Somali News

Puntland oo rag soo qabashadooda lacag dhul-dhigtay

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo bandhigtay sawirada qaar ka mid ah maxaabiia ka baxsatay Xabsiga Gaalkacyo, iyadoo dul-dhigtay soo qabashadooda midkiiba 2,000 oo doolar-ka Mareykanka ah.

Ragga sawiradooda la baahiyay ayaa kala ah, Xasan Isaaq Maxamed, Maxamed Cali Maxamed (Istakin), Liban Ciise Cali (Madax-kariye), kuwaas oo la sheegay inay ka mid ahaayeen Al-Shabaab-kii dadka magaalada Gaalkacyo ku dili jiray.

“Qofkii soo sheega dhagar qabayashaas waxaa loo balan qaadayaa abaal marin dhan Midkiiba $2.000 oo dollar sido kale waxa lo balan qaadayaa inaysan cidkale ogaaneyn Ruuxa soo sheega.” ayaa lagu yiri qoraal-kaan oo uu kasoo baxay taliska Booliska qeybta Mudug ee Puntland.

Sidoo kale, dad-ka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku sugan deegaannada Puntland, waxaa loogu baaqay in cid alaale iyo cidii aragta raggaas ay si dhow ula soo xiriiraan Taliska Booliiska Puntland qeybta Mudug.