Somali News

Puntland oo Shacisay Doorashada 6 kursi oo Doorashadooda laqabanayo.

Muqdisho-KNN-Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad Goboleedka ee Puntland ayaa shaaciyay jadwalka doorashada 6 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka BFS.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Heer Dowlad Goboleedka ee Puntland Cabdikariin muuse Maxamed ayaa shegay in malinta berri ah tarikhduna tahay 30 la Diwaangelinayo sidoo kalana la shaacinayo Gudiyadda xulista ergada iyo bixinta foomamka Diwaangelinta gudiyadda iyo Ergayga Doorashada.

Gudiga ayaa shegay in ugu danbeeyn maalinta Khamiista ah taarikhduna tahay 2 bisha labaad laqabanayo Doorashada 5 kursi ee la shaciyay

Kuraasta la shaciyay ayaa waxa ay kala yihiin 1-HOP#192  2-HOP#094. 3-HOP#014. 4-HOP#121.
5-HOP#174   6-HOP#075 waxaa kuraastaan sedex kamid ah ku tartamayo haween.