Somali News

Puntland oo waaran soo qabasho ah u jartay dad hor leh

Warqad kasoo baxday Xeer-ilaalinta Puntland ayaa waaran deg deg ah loogu jaray dad horleh oo ku eedaysan mashruuca dhoofinta dhirta geed-quwaaxa.

Sidoo kale, xafiiska xeer ilaalinta ayaa amartay in sida ugu dhakhsaha badan loo soo qabto islamarkaana sharciga la horkeeno dadkaas ku eedaysan kiiska dhoofinta geed-quwaaxa.

Dadka ku eedeysan kiiska dhoofinta geed-quwaaxa ayey maxkamaddu ku sheegtay inay gaarayaan shan eedaysane kuwaas ooqaarkood si weyn loo raadinayo.

Xeer ilaalintu Puntland ma aysan bixin ogolaansho lagu baahiyo warqadda waaranka loogu jaray dad horleh oo ku eedeysan dhoofinta geed-quwaaxa.