Somali News

Puntland oo wax laga xumaado ku tilmaamtay dagaalkii Muqdisho

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda Puntland ayaa looga hadlay dagaalo saacadihii u dambeeyay ciidamo kala taabacsan dowladda iyo midowga musharixiinta ku dhexmaray magaalada Muqdisho.

Maamulka Puntland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhacdooyinkaasi, waxayna ay dhinacyada kala duwan ee siyaasadda ugu baaqeen in xal kale lagu eego muranka taagan.

Hoos ka akhriso

Waxa ay isha ku haysay waxa ka dhacayay xalay saqdii dhexe iyo Saaka aroortii Magaalada Muqdisho, waxaa wax laga xumaado ah in iyadoo la sugaayo doorasho ka dhacda Dalka ay timaado falal abuuri kara qalalaaso iyo xasilooni daro ka aloosanta dalka oo weliba ay qayb ka noqdaan ciidamada qalabka sida ee loo diyaariyey in ay dhowraan karaamada iyo sharafta muwaadinka Soomaaliyeed.

Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan masuuliyiinta dalka in uu caqligu taliyo oo aan dhiig loo daadin kala aragti duwanaan siyaasadeed iyadoo lagu xaliyi karo sifooyin kale oo ka haboon. Lana iIlaaliyo dimuqraadiyadda curdunka ah ee aynu haysano, fursadna aan loo siin ururada argagixisada in ay helaan siyaabo ay ugu soo noqdaan magaalada Muqdisho oo ay dhibaatooyin uga geystaan.