Somali News

Qaar kamid ah dalladaha waxbarashada oo soo dhaweeyay wasiirka cusub ee waxbarashada

Shir ay si isugu yimaadeen Dalladaha Waxbarashada Soomaaliya oo looga hadlaayey isbedelka Wasaaradda Waxbarashada ayaa lagu soo dhaweeyey islamarkaana laguna taageeray Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Eng Cabdullaahi Abuukar Xaaji oo ah qof aqoon iyo qibradba u leh waxbarashada Soomaaliya iyo heerarka kala duwan ee ay soo martay.

Falanqeen dheer kadib  Dalladaha kasoo qaybgalay shirka  waxay isla garteen arimaha soo socda:

  1. In Dalladaha Waxbarashada ay si buuxda u soo dhaweynayaan islamarkaana taageerayaan Magaabista Wasiir Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Eng Cabdullaahi Abuukar Xaaji.
  2. In Dalladaha Waxbarashada ay diyaar u yihiin in ay la kulmaan si buuxdana ula Shaqeeyaan Wasaaradda Waxbarashada
  3. In Dalladaha Waxbarashada ay Markasta diyaar u yihiin in ay ka qayb qaateen horumarinta waxbarashada gaarka ah iyo mida dowliga ah intaba

Dalladaha iyo Mas’uuliyiinta Kulanka soo dhaweynta ka soo qaybgalay waxaa kamid ah:

  1. Dalladda Waxbarashada ee SAFE    –        Keyse M.Abul xuseen        – Agaasimaha Fulinta          
  2. Dalladda Waxbarashada ee SOFEL   –       Cali Maxamed ( Ali Kabsol )- G/Xigeen      
  3. Dalladda Waxbarashada ee SOFEN    –      Eng Cumar Cabdulahi Cali    -Agaasime     
  4. Dalladda Waxbarashada ee AL-MA’MUN-Cali Axmed Fidow               – Gudoomiye                 
  5. Dalladda Waxbarashada ee SNEFA   –        Shafici Sh Sayid Abba        – Gudoomiye