Somali News

Qaar kamid ah maxaabiista Xasbiga Hargeeysa oo cunnadii ka soomay

Hargeeysa-KNN-Qaar kamid ah maxaabiista ku xiran Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeeysa ayaa waxaa la sheegayaa in ay cunnadii ka soomeen.

Maxaabiista Cunnada  ka soomay ayaa ku andacoonaya in ay dhameesteen Mudadii xabsi ee lagu xukumay, xilligaanna ay si dulmi ah ugu xiranyihiin Xabsiga dhexe ee Hargeeysa.

Maxaabiista ayaa lasheegay in aysan waxaba cunin Labadii maalmood ee lasoo dhaaafay, xaaladooda ayaa laga deeyrinayaa.

Qaar kamid ah qaraabada maxaabiista cunnadda kasoomay  ayaa warbaahinta la hadlay waxayna sheegeen in dadkooda ay xilligan u xiranyihiin Sharci darro, oo ay mar hore dhameesteen mudadii lagu xukumay.

Somaliland wali kama hadalin xaaladan ka taagan xabisga dhexe ee Hargeeysa.