Somali News

Qaban qaabada Munaasabadda caleema-saarka Madaxweyne Dani oo ka socota Garowe.

Garoowe-KNN-Qaban qaabada iyo diyaarinta caleema-saarka madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni , ayaa si weyn waxaa ay kaga socotaa Magaalada garoowe ee Gobalka Nugaal, maadaama  la qorsheeyay in ay dhacdo, 26 bishan Jannaayo ee ku beegan todobaadka soo socda.

Madaxweynaha oo la doortay 8-dii bishan Jannaayo, ayaa isla maalintii xilka uu la wareegay ee 14-kii bisha, wuxuu magacaabay afar guddi oo u xil-saaran qaban-qaabada iyo diyaarinta xafladda caleema-saarkiisa oo si cajiib ah loo agaasimayo.

Guddiyada xaflada ayaa waxaa ay sheegeen in ay ku mashquulsan yihiin, qaban-qaabada iyo diyaarinta caleema-saarka madaxweynaha.

Masuuliyiin ka tirsan Dowlada dhexe, siyaasiyiinta mucaaradka, Madaxda Maamul Gobaleedyada  iyo beesha caalamka ayaa la filayaa in ay ka qeyb galaan xaflada caleema saarka Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.