Somali News

Qaban qaabadii ugu dambeeysay ee soodhaweynta Xasan Shiikh oo ka socoto Dhuusamareeb

Waxaa magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug ka socoto qaban qaabadii ugu dambeysay ee soodhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku wajahan Magaaladaas.

Magaalada Dhuusamareeb, waxaa xiligaan ku sugan Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor, ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid, Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Shiikh Maxamuud iyo qeybaha kala duwan ee bulshada halkaas ku dhaqan, kuwaas oo u diyaarsan soodhaweynaya Madaxweynaha iyo Wafdigiisa.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo Booliis iyo militari ay ayaa ammaanka magaalada siweyn u sugaya, iyagoo magaalada Dhuusamareeb iyo xaafadaha gaaf wareegaya waxaana ayna ka sameenayaan baaritaano amniga lagu xaqiininayo, Sidoo kale gudaha magaalada waxaa lagu dhex arkayaa dad sita sawirrada Madaxweyne xasan Shiikh, iyadoo lagu xardhay gawaarida, goobaha ganacsiga.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka safraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Kumeel gaarka ee Koofur Galbeed ayaa ku sugnaa labo cisho, isagoo kulamo kala duwan la qaatay Mas’uuliyiinta ugu sarreysa maamulkaas oo uu ugu horreeye Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Odayaasha dhaqanka, haweenka iyo dhalinyarada, isagoo ka xog wareystay xaaladda guud ee degaanka.

Madaxweynaha xalay ayaa magaalada Baydhabo loogu sameeyay kulan soodhaweyn iyo sagootis ah, waxaana kulanka ka qeyb galay Madaxweynha Koofur Galbeed Cabdicasiis Lafta gareen, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, isagoo halkaas ka sheegay in dadka reer Koofur Galbeed ay wajahayaan daruufo u gaar ah marka loo eego xaaladda abaarta uu dalka ku jiro waxaa uu baaq ujeediyay hay’addaha gargaarka iyo umadadda Soomaaliyeed inta uu Alle wax siiyay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud markii uu gaaro magaalada Dhuusamareeb waxaa la filayaa inuu halkaas ka bilaabo kulamo uu la qaadanayo Madaxda ugu sarreysa Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada halkaas, iyadoo safarkaani uu noqonayo kiisii ugu horreeyay uu Dhuusamareeb ku tago tan iyo 15-kii bishii may oo loo doortay xilka Madaxtinimo ee dalka.