Somali News

Qamarada Midoobay oo ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo colaada dalka Itoobiya.

Bogota-KNN-Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres ayaa ku dhawaaqay xabad joojin deg deg ah oo lagu joojinayo dagaalka ka soconaya dalka Itoobiya..

Mr Guterres oo booqasha ku jooga dalka Kolombiya ayaa waydiistay dowladda Itoobiya in iyada bilowdo xabad joojinta.

Xoghayaha guud ee QM ayaa sidoo kale sheegay in xabad joojinta ay fureeso wado laguwada hadlo taas oo xasilooni u hor seedi karta Itoobiya oo dhan.

Hadalka Xoghayaha guud ee QM ayaa imaanaya xilli dowladda Maraykanka ay ka digtay in awood milatari loo adeegsado xal u helida colaada ka taagan dalka Itoobiya.

Waxaana xukuumada uu hogaamiyo Abiy Ahmed ay ku doodeesaa in gacmo shisheeye ay ku lug leeyihiin dagaalka looga soo horjeedo.