Somali News

Qaramada Midoobe oo sheegtay in ay dib u soo celinayso xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Xafiiska Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya ayaa hagaajinaya xiriirka uu la leeyahay Dowladda Faderalka ah ee Soomaliya kadib eryidii madaxii Xafiiska UNSOM Haysom, sida uu sheegay ku xigeen madaxa Howlgalka ee Golaha Amaanka ee Qaramadda midoobay.

“Horumar wanaagsan ayaan ka sameyneynaa hagaajinta xiriirka aan la leenahay Dowladda Faderalka ah ee Soomaaliya”, ayuu sheegay Raisedon Zenenga.

Kulamaddii uu la yeeshay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali khayre waxay ahaayeen kuwo wax dhisa kadib booqashaddii ay Bishii February ku timid Muqdisho, ku xigeenka arrimaha Siyaasadda ee xog-hayaha Guud Rosemary DiCarlo, sida uu sheegay Zenenga.

Labadda dhinac waxay isku afgarteen, waa Soomaaliya iyo Qaramadda Midoobay in lasoo celiyo lana adkeeyo wada shaqayntoodii, Ra’iisul Wasaaraah Soomaaliyana waxaa qudhiisu uu adkeyay xiriirka markii uu Muqdisho yimid kuxigeenka Cusub ee Wakiilka Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya.

Madaxii Xafiiska UNSOM, Dowladda Soomaaliya ayaa cayrisay 1dii Bishii January ee Sanadkaan kadib markii ay ku eedeysay in uu faro-geliyay arrimaha gudaha.

Sida ay Dowladdu ku sheegtay warqadii ay ku cayrisay Haysom, waxaa uu ku xad-gudbay Madaxbanaanida dalka kadib markii uu soo saaray Warqad uu su’aalo Dowladda uga weydiiyay xarigii Mukhtaar Rooboow iyo shaqaaqadii ka dhalatay Dorashadii Koofur Galbeed.

Inkastoo ay go’aankaas ka qoomameeyeen Xog-hayaha Guud ee Qaramadda midoobay iyo xubnaha golaha Amaanka, hadda waxaa wakiil ku xigeenku sheegay in xiriirkii uu soo hagaagay, wada shaqayn tana la adkeeyay.