Somali News

Qarax goordhow ka dhacay Muqdisho

Qarax xooggan ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafadda saddexda geed ee degmada Shangaani.

Sida wararku sheegayaan qaraxa ayaa ka dhacay goob maqaaxi oo laga cunteeyo oo dhow, xaruuntii hore ee wasaarada amiga  

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa, waxaana la sheegayaa in qof ku xirnaa jaakadaha qarxa uu isku qarxiyay maqaayada.

Khasaare kala duwan ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay qaraxa.

Goobta qaraxa ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray ciidamada amniga iyagoona xiray agagaarka waddooyinka gala.

Wixii ka soo kordha halkaan kala soco.