Somali News

Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay oo Muqdisho

Qarax ismiidaamin ah ayaa goor dhow ka dhacay goob ay deganyihiin ciidamada illaaliya caasimada oo ku taala degmada Dayniile ee G/Banaadir.

Wararka aanu helayno ayaa sheegaya in rasaas laga maqlay barta ay ciidamadu deganyihiin oo ku taala wadada dheer ee tagta xarunta degmada Dayniile.

Waxaa jira khasaare ka dhashay waxaana xira aaga qaraxu ka dhacay.

Dagaalameyaasha Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxaan waxaana sheegeen in qof isku qarxiyay xerada ciidamada Military Police ee amniga caasimada illaaliya.