Somali News

Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Cabdulaahi Cabdi Maxamuud Guddoomiye ku xigeenka  arimaha bulshada deegaanka garasbaaley ayaa maanta ka badbaaday qarax miino oo lagula eegtay duleedka Magaalada Muqdisho.

Guddomiye ku xigeenka ayaa sheegay in qaraxa la dhigay inta u dhexeysa Weydow iyo Tareedisho, islamarkaana waxaa uu tilmaamy in qaraxa uu ku jiray jawaan wadada yaalay.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in wax khasaaro ah uusan soo gaarin isaga iyo ilaaladiisa,balse waxaa uu tilmaamay in afar qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen.

Wadada isku xirta  Muqdisho iyo shabeelaha hoose ayaa inta badan waxaa ka dhaca qaraxyada lala eegto ciidamada dowladda Soomaaliya.