Somali News

Qarax ka dhacay Magaalada Bolonyo ee dalka Talyaaniga

Qof ayaa Ku dhintay, 55 kalana Way dhaawacmeen Qarax weyn oo ka dhacay magaalada Bolonya  ee dalka Talyaaniga , sida laga Xiganayo wakaaladda ANSA.

Dab damiska iyo gaadiidka gurmadka deg degga ayaa aad ugu hoowlan la tacaalidda dhibaatada, waxaana aad u liita 12 kamid ah dadka dhaawacyadu gaareen.

Muuqaallo laga qabtay qaraxa ayaa dadka deegaanku ay ku  baahiyeen Warbaahinta bulshada ay ku kulanto, waxaana muuqanaya uuro madoow oo hawada isku shareertay.

Qaraxa ayaa yimid kadib markii gaari xamuula oo batrool waday uu ku dhacay gaari kale.