Somali News

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Gaalkacyo

Gaalkacyo-KNN-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Xaruunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi uu caawa ka dhacay Qarax khasaare geystay.

Qaraxa oo ahaa miino kuwa gacanta ah oo lagu tuuray ciidamo howlagal waday, ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan hal ruux oo shacab ah ayaa ku dhintay, tiro kalena waa ku dhaawacmeen,
Ciidamada la weeraray ayaana Rasaas badan furay qarax kadib.

Ciidamada ammaanka ayaana bilaabay Qaraxa ka dib baaritaano ay ku baadi goob ayaan kooxihii ka dambeeyay weerarka.

Qaraxan ayaa ku soo aadaya xili Magaalada Gaalkacyo ay aheyd muddooyinkan danbe mid ammaan ah.