Baydhabo-KNN-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax khasaare geystay oo goordhaw ka dhacay degmada Berdaale ee gobalka Bay.
Sarkaal ka tirsan Ciidamada xoogga dalka ee ka howlgala deegaanada maamulka
Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa KNN u sheegay in qarax Miino lala beegsaday
Sarkaal Sare oo ka tirsanaa Ciidamada dowladda iyo qaar kamid ah ilaaladiisa oo
marayay degmada Bardaale.
Kabtan Falar Liibaan oo ahaa Sarkaalkii watay Ciidamada la qarxiyay ayaa la xaqiijiyay
in uu qaraxaasi ku dhintay, waxaana dhaawacyo soo gaaray Ciidamo kale.
dhanka kale wararka qaar ayaa sheegaya in uu ka mid yahay dhaawacyada Taliye Baabuur Halaay Oo hore u ahaa Taliye Xigeenka Ciidanka booliiska KGS.