Somali News

Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Afgooye & mas’uul lala eegtay

Qarax miino oo maanta ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ka dhashay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, xili lala eegtay Xuseen Jibriil oo degmada Afgooye kasoo noqday Guddoomiye ku-xigeenka dhanka Amniga.

Sida la xaqiijiyay, qaraxa waxaa uu dhaawac kasoo gaaray Guddoomiye ku-xigeenkii hore Amniga degmada Afgooye Xuseen Jibriil iyo ruux la socday, waloow uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac badan oo soo gaaray dad shacab ah, xili uu marayay wadada u dhaxeeysa Suuqa Jaadka iyo Saldhiga degmada Afgooye, halkaas oo la sheegay in uu ka agdhaw yahay hoygiisa.

waxaana  dhaawacyada  la geeyay Isbitaalka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa laga qaaday dhaawacyada, iyadoona la geeyay Isbitaalka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa miino ka dhacay kuwaas oo halkaas ka sameeyay baaritaano la xiriira cidii ka dambeysay qaraxa, iaydoo aysan waxba kusoo qaban.

Xalay ayey ahayd markii dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig ciidanka dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin nawaaxiga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.