Somali News

Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Galgaduud

Qarax miino oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa goordhow waxaa uu ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, iyadoona qaraxaasi lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda Somalia oo ka baxay magaalada Dhuusamareeb.

Deegaanka ciidamada qaraxa lagula eegtay ayaa waxaa lagu magacabaa sina-dhaqo taas oo dhacda duleedka caasimaada Galmudug.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in Qaraxa uu dhawaqiisa laga maqlay deegaanada maamulka Galmudug.

Inta la ogyahay qaraxaan ayaa waxaa ku dhintay labo askari halka ay ku dhaawacmeen 10 askari.

Gaariga qaraxa haleelay ayaa waxa uu galbinayey Taliyaha ciidanka qeybta 21aad General Qooje.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada xoogga ee ku sugan gobolka Galgaduud