Somali News

Qarax miino oo ka dhacay Afgooye.

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellada Hoose gaar ahaan Degmada Afgooye ayaa sheegaya in qarax miino uu ka dhacay xarun ciidan oo ku taal degmadaasi.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay KNN ayaa  sheegay in qaraxa jugtiisa laga maqlay Xaafado ku dhow goobta uu qaraxa ka dhacay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in khasaaro uu ka dhashay qaraxa inkastoo aan la ogeyn.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray guud ahaan wadooyinka soo galaya degmada Afgooye, gaar ahaan isgoyska baar ismaaciil.

Saraakiisha amniga ee degmada Afgooye ah ayaan weli ka hadlin  qarax maanta ka dhacay xarun ciidamada xoogga ay ku leeyihiin degmada Afgooye ee gobolka shabeellada hoose.