Somali News

Qarax miino oo maanta ka dhacay Isgoyska Xoosh ee Muqdisho

Muqdisho-KNN-Qarax miino ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Wadada u dhaxeysa  Ex-Koontorool Afgooye iyo Isgoyska Xoosh ee degmada dharkeenley Gobolkan Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in qaraxa lala eegtay ciidamo ka tirsan booliska Somaaliya, waxaana la sheegay inuu jiro khasaaro ka dhashay qaraxaasi.

Inta la ogyahay hal qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday,halka askari boolis ah  uu ku dhaawacmay qaraxa.

Ciidamada booliska Mudo saacado ah waxaa ay hakad galeen isku-socodka dadka iyo Gaadiidka ee isticmala inta u dhexeysa Isgoysyada Xoosh iyo Ex-Koontorool Afgooye ee Gobalka Banaadir, iyadoona markii dambe ay ciidamada dib u fureen sida ay KNN u sheegeen Dadka deegaanka.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay booliska Soomaaliya.