Somali News

QM oo ogaatay in qaraxyada Al-Shabaab lagu sameeyo gudaha dalka.

Muqdisho-KNN-Qaramada midoobe ayaa shaaca ka qaaday warbixin tilmaamysa in dagaalamyaasha Al-Shabaab ee gudaha dalka ku sameeyaan qaraxyada ay ka fuliyaan qaybo badan oo kamid ah dalka.

Sahankan baarista ah ayaa waxaa sameeyay hay’adda Qaramada Midoobe u qaabilsan Miina baarista ee Mine Action oo kaashanaysa hay’ado kale oo aanan magacooda lashaacinin.

Xog uruurintan ayaa lagu saleeyay ugu yaraan 20 weerar oo qaraxyo loo adeegsaday kuwaas oo dalka ka dhacay tan iyo bishii july ee sanadkii hore 2018.

Warbixintan oo ay heshay Wakaalada wararka ee Reuters  ayaa xiriir ay lasameesay dowlada waxa aysan kahelin wax jawaab ah iyadoona sidookale xiriir uu lasameeyay Col Charles Imbiakha, oo ah afhayeenka Amisom uu dhankiisa ka gaabsaday in uu wax jawaab ah kabixiyo.

Al-Shabaab oo qorshahoodu yahay in ay dalka ku maamulaan Shareecada Islaamka sida ay sheegteen ayaa ugu yaraan 19 weerar oo qaraxyo gawaari loo adeegsaday dalka ka dhacay tan iyo bishii September sida xogtu lagu sheegay. 

Weerarkii ugu qasaaraha badnaa ee al-Shabaab ka fuliyaan gudaha dalka ayaa noqday kii isgoyska Soobe ka dhacay 14’kii October ee sanadkii 2017’tii kaasi oo ay ku dhinteen in kabadan 500 oo qof.

Qubarada baaritaankan sameesay ayaa sheegaya in ay qabaan tuhun baahsan oo ku aadan in al-Shabaab ay iyaga samaystaan qaraxyada ay ka fuliyaan gudaha dalka balse aanan loo haynin cadeyn ku filan oo arintaasi tilmaamaysa.