Somali News

Qof meyd ah oo ku soo caariyey xeebta degmada Eyl ee Puntland

Eyl-KNN-Xeebta degmada Eyl ee Puntland waxaa ku caariyay meyd la sheegay inuu ku jiray naxash, kaas oo la aqoonsan la’yahay illaa hadda.

Lama oga sababta iyo halka maydkaasi markiisii hore uu laga soo tuuray, balse maamulka degmada Eyl ayaa sheegay in maydkii ay xabaaleen .

Guddoomiyaha Degmada Eyl Muuse Cismaan Yusuf ayaa BBC u sheegay in meydka uu kasoo caariyay meel 60 kiiloomiitar dhinaca bari xeebaha Eyl.

“Meydka wuxuu ku xir xirnaa naxash la sameeyay, badda banaanka ayay kusoo tuurtay” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in meydka uu ahaa rag, isla markaana uu isbaddalay meydka, sidaas darteena ay aqoonsan waayeen meydka.

“Meyd soo caariyay latiisa isbaddalay, madaxa aad u burbursan yihiin oo haddii lagu aqoonsan lahaa madaxu aad u burburay buu ahaa laakin jirka intiisa xooggaa uu caadi ahaa” ayuu hadalkiisa ku sii daray.