Somali News

R/Wasaare Kheyre oo kulamo ka bilaabay Kismaayo.

Kismaayo-KNN-R/Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa hada kulan waxaa uu ugu socdaa Guriga Nabada Jubbaland ee Magaalada Kismaayo, sida uu soo sheegayo Wariyaha KNN ee Magaalada Kismaayo.

Labada Masuul ayaa kulankooda waxaa ay ugu wadahadlayaan xaalada amaan ee  deegaanada Jubbaland iyo sidoo kale deegaanada uu booqan doono R/wasaare Kheyre.

Inta uu joogo R/Wasaaraha Soomaaliya Magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu kulan la qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Magaaladaasi.

Amaanka Xarunta uu kulanka ka socda ayaa la soo warinayaa in maanta si aad ah loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka soo gala Guriga Nabada Jubbaland la dhigay  ciidamo aad u fara badan.

Wixii ku soo kordha la soco.