Somali News

R/Wasaare Kheyre oo u ambabaxay dalka Switzerland

Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khaye, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho gaaban ugu baxay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Geneva uga qeyb gelaya kulamo looga hadlayo arrinmaha shaqo la’aanta dhallinyarada iyo haweenka.

Inta uu joogo Magaalada Geneva, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu hadal ka jeedinayaa kulanka Golaha xuquuqul insaanka ee ka furmaya dalka Switzerland.

Marka uu tago dalka Switzerland ayaa waxaa la filayaa in R/Wasare kheyre uu kulamo gooni gooni la qaato madaxda caalamka ee tagaysa magaalada Geneva.

Sidoo kale R/Wasaare Kheyre ayaa waxaa lagu wadaa inuu la kulmo jaaliyada soomaaliyeed ee ku nool Magaalada magaalada Geneva dalka Switzerland.