Somali News

R/wasaare Xamse oo dhageystay Warbixin ku aadan Howlgallada ka socda dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulanka looga arrinsaday Sugidda Amniga iyo howlgallada ka socda dalka ee ka dhanka ah Al-shabaab.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay qaar kamid ah Golaha Wasiirrada iyo Saraakiil ka socotay Hay’addaha Amniga dalka.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha dib-u-xoreynta deegaannada ay ku sugan yihiin Al-shabaab iyo xasilinta goobaha la xoreeyo, si loo gaarsiiyo dowladnimada iyo adeegyada bulshada ee ay nabad-diidka ka curyaamiyeen.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey Hay’adaha Amniga iyo ciidamada Soomaaliyeed dadaalka ay ugu jiraan habeen iyo maalin xaqiijinta amniga shacabka, waxa uuna sheegay in Xukuumadda ka go’an tahay in guud ahaan dalka laga xorreeyo nabad-diidka Al-shabaab.