Somali News

Rag la sheegay in ay dilal ka geesteen Beladweyne oo maanta Xukun lagu riday

Beladweyne-kNN-Wararka ka imaanayo magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta Maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeybteeda 27aad ay xukunno ku riday rag lagu eedeeyay in ay katirsan yihiin Al-shabaab.

Ragga Maxkamadda la soo tagay ayaa ahaa 2 wiil oo dhalinyaro ah waxaana lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilal ka dhacay magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan, xeer ilaalinta Maxkamadda ayaa sheegay in la qabtay ayagoo hubeysan.

Dhamme Maxamed Cabdulle Aadan, Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka  sida qeybteeda 27aad ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in edeysanaha 1aad Maxamed Nuur Aadan, uu ka tirsanaa Al-Shabaab,waxana lagu xukumay 15 Sano oo Xabsi Ciidan ah.

Maxkamada ayaa sidoo kale Liiban Muxumed Cabdi gureey sii-deysay kadib markii lagu waayay cadeymaha dembyadii lagu soo eedeeyay.